Dagaal xooggan oo ka dhacay Ex-cantrol Afgooye

Afgooye (Keydmedia) - Dagaal xooggan oo u dhexeeya Kooxda Shabaab iyo ciidamada dowlada Shariifka ayaa waxa uu habeekii xalay ahaa ka dhacay EX-cantrol Afgooye.
Warar Keydmedia Online

Waraka laga helayo deegaanada ku xeera Ex-cantrol Afgooye ayaa waxa ay xaqiijinayaan in  Dagaalka oo bilaawday saqdii dhexe ee xalay uu qarxay kadib markii kooxda Shabaab ay weerar gaadma ah ku soo qaadeen ciidamada dowalda ee fariisnika kuleh isgoqyka KM7 ee koofur galbeed caaasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Dagaalkaasi ayaa dadka degaanku waxa ay u xaqiijiyeen keydmedia  in uu ka dhashay qasaare nafeed oo soo gaaray dhinacyadii hardamay inkasta oo aysan jirin tirakoob sax ah oo laga hayo inta qasaaruhu la’ekyahay.

Dagaalkaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli  kooxda Shabaab oo dhamaadkii bishii tagtay lagala wareegay dhisamaha wasaarada gaashaan dhigga oo fariisin muhiim ah u aheyd ay wadeen abaabul xooggan oo dhanka ciidanka ah.

Si kastaba majirto guula ay kala sheegteen kooxda Shabaab iyo dowlada Shariifka.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.