Dagaallo culus oo ka dhacay Jubbooyinka [Fah-faahin]

Weerarkan ayaa noqonaya midkii labaad oo maalin gudaheeda lagu qaado Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, islamarkaana ka howlgala Jubbooyinka.

Warar Keydmedia Online
Dagaallo culus oo ka dhacay Jubbooyinka [Fah-faahin]

KISMAAYO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadey saldhigga Ciidanka Kenya ee degaanka Taabta oo ku dhaw degmada Dhoobley, ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen Saraakiisha Jubbaland.

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay saldhigga, kaasoo labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus, waxaana ka dhashay khasaarooyinka isagu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tirada rasmiga ah la ogeyn.

Dagaal kale ayaa ka dhacay maalin kahor degaanka Hoosingow, oo duleedka Kismaayo ku yaalla kadib markii Al-Shabaab ay weerartay xeryo Ciidamada Kenya ku leeyihiin halkaasi, iyadoo dadka degeenak ay sheegeen in askar iyo mintidiin dhowr ah ay ku dhinteen iska hor-imaadka.

AMISOM ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in askarta Kenya ay iska-caabiyeen labada weerarka, islamarkaana ay xaaladda caadi kusoo laabatay markii dambe, waxayna beeniyeen wararka la xiriira khasaaraha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.