Dagaallo dhiig ku daatay oo kadhacay Hiiraan.

Beledweyne (Keydmedia) - Sagaal ruux ayaa dhimatay 12 kalana waa dhaawacmeen kadib markii dagaal xooggan uu dhex maray kooxaha Shabaab iyo Ahlusunna.
Warar Keydmedia Online

Dagaalka ayaa  waxa uu ka dhacaay deegaanka Dhiirimaadle oo 40 Km dhanka waqooyi Bari kaxiga magaalada B/weyne ee xarunta u ah gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Dagaalkaan ayaa waxa uu yahay kii ugu xooganaa ee ku dhex mara Al-shabaab iyo Ahlusunna gobalka Hiiraann oo waayahaan isku hayay gacan ku heynta gobalka, waxaana goob jogayaashu xaqiijinayaan in dadka dhawacmaya iyo kuwa dhintaba ay u badnaayeen dhinacyadii hardamay.

Iska hor imaadka maanta ayaa waxa uu sababay bara bax balaaran oo ay sameeyeen dadka deegaanka oo kabaqanaya in dagaaldau ay dhibaata gaarsiiyaan.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.