Dagaallo Maanta Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan G/Shabeellaha Hoose

Afgooye (KON)- Dagaallo saacado badan qaatay ayaa maanta markale Ciidamada Dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo Kooxda Shabaab ku dhex maray deegaano ka tirsan gobbolka Shabeellaha Hoose, ayadoo dagaalkaasina uu sababay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
Warar Keydmedia Online
Dagaallo Maanta Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan G/Shabeellaha Hoose

Dagaaladaan ayaa xoogoda ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Yaaqbari weyne iyo Leego ee gobbolka Shabeellaha Hoose, waxaana dagaaladaasi ay yimaadeen kadib markii Shabaabku way soo weerareen Ciidamada Dowladda iyo AMISOM.

Wararku waxay soo sheegayaan in labada dhinac ay si xooggan ugu dagaalameen deeganadaasi, waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkaasi kuwaasoo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Xaalada ayaa hadda deggan, waxaana goobihii logu dagaalamay wali gacanta ku haya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.