KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Howlgalada ayaa waxaa wadda Ciidamada fariisinka ku leh deegaanka Lafoole, waxaana la sheegay in ay dhowr qof kusoo qab qabteen howlgala ay saaka sameeyeen.
Xalay deegaanada Lafoole iyo Xaawa Cabdi waxaa ka dhacay dagaallo xooggan oo dhaliyay khasaare aan wali xadigiisa la ogaanin oo dhexmaray Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
Goobjoogayaal ku suggan Lafoole iyo Xaawa Cabdi ayaa KON u sheegay in dagaalkii xalay uu khasaare aan la cayimi karin kasoo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, balse ay jiraan saddex ruux oo rayid ah oo ay dhaawacyo kasoo gaareen.
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.