Dakhtar Caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Dableyda falka dilka ah fulisay ayaa Goobta isaga baxsatay kahor inta aysan Ciidanka amniga soo gaarin.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhakhtar Xasan Cismaan Ciise [Dr Buurane], ayaa goordhaw lagu dilay Xaafadda Albaraka degmada Hodon, ee magaaladda Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa Dr Buurane ku dilay guri cusub oo dhismo uga socday hortiisa, iyadoo falka kadib goobta ay gaareen Ciidanka booliska Soomaaliya.

Lama oga sababta loo dilay iyo cida dishay Dhakhtarka oo caan ka ahaa Muqdisho, isagoo daaweyn jiray cuduradda maqaarka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.