Dalka Ingiriiska oo ciidamo u soo diraya Soomaaliya

Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa dalka Soomaaliya u soo diraya 250 askari oo si gooni ah u tababaran si ay gacan kaga geystaan dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Dalka Ingiriiska oo ciidamo u soo diraya Soomaaliya

London, UK – Warbaahinta Ingiriiska ayaa warineysa in Britain qorsheyneyso, in ay Soomaaliya u dirto ciidamo gaaraya ilaa 250 askari oo ka tisran guutada loo yaqaan Ranger, si ay gacan u siiyaan ciidanka The Special Air Service (SAS) oo ah unug gaar ah oo ku takhasusay la dagaalanka argagixisada, badbaadinta la heystayaasha, toogashada qaaska ah iyo sahannada qarsoodiga ah.

Taliyihii hore ee SAS,  General Sir Mark Carleton-Smith, haddana madax ka ah ciidanka guud ee Ingiriiska, ayaa sheegay in sanad gudihiis loo daad gureynayo bariga Afrika ilaa 250 askari oo ka tirsan Ranger units, si ay la talin iyo tababarro u siiyaan ciidanada Dowladaha Gobolka.

In-kastoo Carleton-Smith, uu caddeeyay kaliya in Askartuku wajahan yihiin bariga Afrika, hadana sida ay xaqiijinyaan warbaahinya UK, ciidamadan ayaa la dejin doono Soomaaliya, halkaas oo ay ku tababari doonaan ciidamada Dowladda Fadaraalka iyo kuwa Maamullada ee dagalka kula jira Al-Shabaab.

Halka ay ka billaabanayaan howlgalka Ciidanka dhawaan la yabyabay ee Ranger, ayaa la filayaa in la xaqiijoyo inta lagu guda-jiro shir madaxeedka G7 ee ka dhacaya Cornwall, bisha soo socota.

Waxaa la rumeysan yaahy in Askarta Britain, badali doonaan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka kuwaas oo tababaro siin jiray ciidamada Soomaaliya, ka hor inta aan laga saarin dalka dhamaadkii sanadki hore.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.