DANAB: Al-Shabaab way naga baqaan - Warbixin

Si ka duwan sidii hore, shacabka Bukure iyo degaanno badan oo Soomaaliya ah ayaa dhinac iska dhigay cabsida ay ka qabeen Al-Shabaab. Intooda badan waxa ay ka caroodeen lacagaha “sakawaadka” loo bixiyay ee xilligan abaarta adagi jirto uu ka qaado ururka.

Warar Keydmedia Online
DANAB: Al-Shabaab way naga baqaan - Warbixin

MUQDISHO, Soomaaliya - Waa 5-tii aroornimo. Gawaari “Cabdi Bile” ah oo ay saaran yihiin askar aad u hubaysan ayaa ku dhaqaaqay waddo aan laami ahayn oo ku taalla bartamaha Soomaaliya.

Darawalka mid kamid ah gaadiidka ayaa marba marshada (geerka) bedalaya, waxaana inta uu dib jalleeco xaqiijiyaa in askartu aanay ka daadan gaariga.

“Shaqadeennu waa in aan marka hore deegaanka galno,” ayuu yiri taliyaha da’da yar ee askartan, xilli uu eegayay hareeraha wadada si uu uga digtoonaado weerar gaadmo ah ama qarax ay Al-Shabaab u dhigeen.

Saddexdii bilood ee la soo dhaafay, ciidamada kumaandoosta Danab ee uu tababaray Maraykanka ayaa dowr muhiim ah ka qaatay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab oo laga saaray deegaanno ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Guulaha laga gaaray duullaankan ayaa rajo badan ku abuuray Soomaalida, oo malaayiin kamid ah ay saamaysay abaar ba’an.

“Waa markii ugu horreysay muddo sanado ah oo aan dareemo rajo intaa dhan. Lama horjoogsan karo duullaankeena, maadaama aan guulo ka gaarnay Al-Shabaab. Dadka Soomaaliya ayaa kacay oo arkay in laga adkaan karo Al-Shabaab,” ayuu yiri Malik Cabdalla oo xildhibaan Golaha Shacabka ah, lagana soo doorto gobolka Hiiraan.

Kadib saddex saac oo aan ku soconanay waddo raf ah, kolonyada ciidanka ayaa gaaray afaafka hore ee deegaanka Bukure. Askarta Danab ayaa ka degay gawaaridooda.

Inagoo saddex weriyayaal BBC ah ayaa na loo oggolaaday in aan raacno ciidankan sida gaarka ah u tababaran, xogtiisana aadka loo ilaaliyo.

“Warku si degdeg ah ayuu u faafaa. Al-Shabaab waxay ogaan karaan in aan halkan joogtaan. Waa sababta aan xilli hore u soo dhaqaaqnay si aan wadada u marno inta aanay ku aasin miinooyin,” ayay tiri Asli Xalane oo ah sarkaal qaabilsan isku xirka rayidka iyo milateriga, ahna qofka keliya ee ka tirsan Danab ee loo oggolaaday in aan waraysanno.

Saddex askari oo gaandheriyaal ka ah qoryaha dhashiikaha ayaa ku haray gawaaridda, halka askarta kale ay lug ku mareen deegaanka. Dad u badan xoolo dhaqato ayaan ku aragnay wadada.

“Waxaan halkan ku dilnay 60 kamid ah Al-Shabaab,” ayay tiri saddex alifle Asli Xalane oo ka warramaysay dagaal adag oo goobtan ka dhacay bishii September.

Xooggaga Al-Shabaab ayaa markii dambe isaga baxay deegaanka, iyagoo gubay guryo isla markaana qarax ku xiray ceel biyoodka deegaanka, falkaas oo lagu tilmaamay mid arxan darro ah.

“Dadka deegaanka ayaa maalmo dhan biyo la’aan ahaa, mana haystaan cunno iyo waxyaabaha kale ee asaasiga u ah noolasha,” ayay tiri Asli.

Dareenka Shacabka

Si ka duwan sidii hore, shacabka Bukure iyo degaanno badan oo Soomaaliya ah ayaa dhinac iska dhigay cabsida ay ka qabeen Al-Shabaab. Intooda badan waxa ay ka caroodeen lacagaha “sakawaadka” loo bixiyay ee xilligan abaarta adagi jirto uu ka qaado ururka.

Qaar badan oo kamid ah shacabka Bukure ayaa oggoladay inaan muuqaal ka duubno, waxaana ay si cad u muujiyeen naceybka ay u qabaan Al-Shabaab, iyagoo tilmaamay inay wax badan isbedaleen.

"Markii ay Al-Shabaab halkan joogeen, habeen kasta waxaa ku seexan jirnay cabsi,” ayuu yiri Cali Daahir Warsame, 48 kamid ah waxgaradka deegaankan.

"Hadda se waxaan fahannay in aanay Islaannimo hayn oo ay dhibaateeyaan dadka aan waxba galabsan. Waxaan 100% ku kalsoonnahay in aanay halkan ku soo laaban doonin,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Kalsoonidaas waxaa sababay laba arrimood. Abaarta ka taagan Soomaaliya oo lagu tilmaamay tii ugu xumayd muddo 40 sano ah ayaa keentay in dad badn ay ku xoolo beelaan. Al-Shabaab ayaa sii waday inay dadka ka qaado lacagaha canshuurta ah, waxaana taa ay keentay inay dadku diidaan lacagtaas, maadaama la marayo xilli adag.

Arrinta labaad ayaa ah in kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab u uku billowday qaab beelaysan oo xoogag lagu magacaabay “Macawisley” ayaa ku dhiiraday inay iska celiyaan ururkaas sanadaha badan haystay qeybo ka tirsan Soomaaliya.

"Dadku waxa ay ka daaleen dhibaatada Al-Shabaab. Dowladdu waxa ay hadda haysataa fursad ay dalka uga saari karto Al-Shabaab,” ayuu yiri weriye hore xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo muddo todobaadyo ah ku sugnaa furimaha gobolka Hiiraan.

Durbadiiba waxaa muuqata in qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada ay shaki ka muujinayaan qorshaha dowladda Federaalka iyo hubeynta beelaha.

“Istaraatijiyaddan waa mid shaqeysay. Maadaama uu hadda xoogan yahay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, siyaasiyiintu kuma dhacaan inay horjoogsadaan qorshaha dowladda,” ayuu yiri Xuseen Macallin oo ah lataliyaha Madaxweynaha ee amniga qaranka.

Al-Shabaab way naga baqaan

Ciidanka Danab ayaa la filayaa in bilaha soo socda tiro ahaan la gaarsiiyo in ka badan 3000 oo askari, iyadoo uu Maraykanka siin doono dhaqaalo iyo kaalmo milateri oo dheeraad ah.

“Maraykanku waa dal wanaagsan. Wxaay nagu taageereen Drones [dagaalkii Bukure]. Lix jeer ayaan la dagaallamay Al-Shabaab, marka ay na arkaan way cararaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan kumaandooosta oo naga codsaday in aan magaciisa qarino.

Waxaa jirta aragti kale oo ah in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu isu bedali karo colaad beeleed fool xun oo daba dheeraata.

Kolonyada Danab ayaa saacado kadib noo galbiyay garoon diyaareed oo aan ka duuli rabnay. Markii ay halkaa na geeyeen, waxa ay u jiheysteen dhanka webiga Shabeelle iyo wadada weyn ee gobolka ku xirta caasimadda Muqdisho, halkaas oo uu ka socday dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab.

Isha BBC

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.