Danjiraha Ingriiska oo la kulmay Rooble Rogane

Sii-hayaha Xilka Ra'iisul Wasaaraaha Maxamed Xuseen Rooble ‘Rogane’ iyo Safiirka  Ingiriiska ayaa qaatay kulan sagootin ah oo loo sameeyay Ben Fender oo muddadiisii dhamaatay.

Warar Keydmedia Online
Danjiraha Ingriiska oo la kulmay Rooble Rogane

MUQDISHO, Soomaaliya - Rooble Rogane ayaa ku amaanay Danjiraha waqtigiisu dhammaaday ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya doorka muhiimka ah ee uu ka ciyaaray xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal.

Ben Fender wuxuu ku jira maalmihii ugu dambeeyay ee uu joogo xafiiskaan isagoo ah Safiirka UK ee Soomaaliya.

Ben Fender wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka sida aadka ah uga soo hor jeeda habka uu wax u wado Farmaajo isagoo dhawaan sheegay in aan la aqbali doonin doorasho hal dhinac u xiran taariikhdana six un loogu qori doono qofkii isku daya oo uu ula jeeday Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.