ICRC - Khasaaraha Al-Shabaab geystaan oo kordhay 30%

Warbixintaan ayaa ku soo aadeysa xilli ciidamada ammaanka Soomaaliya ay soo afjareen weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Villa Rays ee ku yaalla Muqdisho, halkaasoo ay ku dhinteen 8 qof oo rayid ah iyo lixdii nin ee weerarka soo qaadday.

Warar Keydmedia Online
ICRC - Khasaaraha Al-Shabaab geystaan oo kordhay 30%

MUQDISHO, Soomaaliya – Khasaaraha ka dhasha weerarrada Kooxda Al-Shabaab ka geystaan Soomaaliya, sida; qaraxyada, madax-jabiska iyo guud ahaan falalka amni darro ayaa kordhay 30%, sida lagu sheegay daraasad ay soo saartay hay’adda (ICRC) Isniintii.

Konton iyo toddoba dhacdo oo dhimasho iyo dhaawacba sababay ayaa la diiwaan geliyay intii u dhaxeysay bilihii Jannaayo iyo Oktoobar ee sanadkaan marka la barbar dhigo dhacdooyinkii xilligaas oo kale 2021 ee ahaa 43 dhacdo oo qasaare sababtay.

Sida ay sheegtay ICRC, ugu yaraan 2,113 qof oo qaba dhaawacyo ayaa la dhigay isbitaallada, taradaas ayaana 197 ka badan tiradii la diiwaan geliyay sanadkii hore intii u dhaxeysay Jannaayo iyo Oktoobar, taaoo ka dhigan in sanadka bishu baaqiga ka tahay uu aad u adkaa.

Dhacyooyinkaas khasaaraha dhaliyay waxaa ka mid ah qaraxyo mataano ahaa oo bishii hore ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Soobbe, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 120 qof, isla-markaana ay ku dhaawacmeen boqollaal kale oo u badnaa dad rayid ah.

Warbixintaan ayaa ku soo aadeysa xilli ciidamada ammaanka Soomaaliya ay soo afjareen weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Villa Rays ee ku yaalla Muqdisho, halkaasoo ay ku dhinteen 8 qof oo rayid ah iyo lixdii nin ee weerarka soo qaadday.

Tan iyo 2007, Al-Shabaab waxay ay ku galaaftay nolosha kumannaan qof oo Soomaaliyeed, waddanka ayaana sanado badan la daalaa-dhacaya falal amni darro, iyadoo khatarta ugu badan ay ka imaaneyso Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Dhanka kale marka laga hadlayo abaaraha daba dheeraaday ee Soomaaliya ka jira, hay’adda ayaa sheegtay in isbitaallada ku yaalla Soomaaliya ay ku dhawaad ​​saddex laab kor u kaceen tirada carruurta la jiifiyay sannadkan nafaqo-xumo awgeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.