Deni iyo Xasan Sheekh oo kawada hadlay xaaladda dalka

Kulanka ayaa qeyb ka ah shirar goos goos ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Garoowe.

Warar Keydmedia Online
Deni iyo Xasan Sheekh oo kawada hadlay xaaladda dalka

GAROOWE, Soomaaliya - Xasan Sheekh ayaa Madaxtooyadda Puntland kula kulmay xalay Madaxweyne Deni, iyagoo kawada hadlay xaaladd siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo arrimaha  la isku khilaafsan yahay ee doorashooyinka.

Deni ayaa Xasan Sheekh u sheegay in Puntland ay diyaar u tahay kaalin ku yeelato dhexdhexaadinta khilaafka doorashooyinka, laakiin aysan ka tanaasulin difaacidda Axmed Madoobe, oo ku cadaadinaya Farmaajo inuu Ciidamada uu u diray Gedo kasoo saaro.

Puntland iyo Jubbaland waa labo maamul oo Koonfur iyo Waqooyi Bari dalka ku kala yaalla, haddana waa kuwa isku xiran mar uu yimaado gorgortanka masiirka dalka, sida doorashooyinka iyo qeybsiga deeqaha Caalamka.

Waxaa lagu eedeeyay Deni iyo Axmed Madoobe inay doonayaan sed-buris in loo sameeyo, oo ay haleen wax ka duwan inta loo qoondeeyo maamullada kale, oo marka la eego aan lahayn awood gor-gortan kula gali karaan Villa Somalia.

Shuruudo waaweyn oo culus ayaa horyaalla Farmaajo oo ay kamid yihiin in la qabto doorasho wada-ogol ah, in la kala diro gudiyadda dhisan iyo in Ciidanka DF laga soo saaro Gedo.

Waxaa la filayaa in Muqdisho uu kulan ka dhaco, oo Mucaaradka lagu casuumo si loo raadiyo xal dhexdhexaad ah oo dhinacyada oo dhan kuwada qanacsan-yihiin, kaasoo horseedaya in doorashadda dhacdo bishan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.