Deegaanka Ceel gaal oo Dagan

Wararka laga helayo Deegaanka Ceel gaal ee Duleedka Bari ee Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in halkaasi iminka ay xasiloontahay kadib dagaalo shalay galinkii danbe ilaa xalay fiidkii ka dhacay.
Warar Keydmedia Online

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamo maamul ahaan la sheego in ay hoostagaan Dowlada KMG ah iyo xoogaga Dowlada ka soo horjeeda ee ka taliya gobalkaasi, waxaana Dagaalka uu sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Qiyaastii 15 ruux oo isugu jirta labada dhan iyo ayaa ku geeriyootay Dagaalka, waxaana labada dhan ay sheegeen in gacanta sare ee Dagaalka ay iyagu lahaayeen isla markaana dhinaca kale ay durjiyeen.

Sheegashooyinka guulaha Dagaal ee dhinacyada ku dagaalama gudaha Dalka ayaa waxa uu yahay mid mar walba soo laa laabta isla markaana dhaxalka arinkaasi waxa uu noqdaa qasaaraha shacabka sii bato.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.