Deegaanka Dhagtuur oo Xasilooni laga dareemayo

MUGUD(KEYDMEDIA) Wararka aynu ka heleyno gobalada Mudug iyo Galguduud oo saacadihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen beelo wada dhashay oo deegaan wadaag ah ayaa sheegaya in saakay xaalada ay xasiloontahay.
Warar Keydmedia Online

Ilo wareedyo ku sugan Gobalada Mudug iyo Galgduud ayaa waxaa ay  sheegayaan jawiga deegaanka Dhegtuur oo saacadihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen dhinacyada ka soo kala jeeda Mudug iyo Galguduud iminka xasilooni laga dareemayo.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhinacyadii dagaalamay ay yihiin wali kuwa is hor fadhiya wallow aanay isku rideynin xabado noolnool.

Dagaalada ka dhacay Dhegtuur iyo qeybo ka mid ah gobalka Mudug oo mudadii la soo dhaafay ayaa sababay  geerida iyo dhaawwaca muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan ku lug laheyn colaada.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.