Degaanno badan oo maanta laga xoreeyay Al-Shabaab

Ceel-lahelay wuxuu dhacaa inta u dhaxeysa degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, ciidanka saaka gaaray ayaana ku wajahan degaanka Ceel-garas halkaasoo in ka badan 10 sano ay ka arriminayeen Kooxda Al-Shabaab oo hadda wajahaysa kacdoon xooggan.

Warar Keydmedia Online
Degaanno badan oo maanta laga xoreeyay Al-Shabaab

CEELBUUR, Soomaaliya – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidanka degaannada ayaa tuulooyinkii ugu badnaa oo ku yaalla Hiiraan iyo Galgaduud saacadihii la soo dhaafay ka saaray Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Ciidamo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa degaannada Cadakibir iyo Maarsamage ayaa saaka billaabay howl-gal xooggan, waxaana la soo sheegayaa in ay durba gacanta ku dhigeen fariisimihii Al-Shabaab ee Maygaag-duub, Dhisaqa, Abooreey iyo kuwa kale.

Sidoo kale, Shacabka is abaabulay ee degaanka iyo culumada degmada Baxdo oo ay wehliyaan Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Nabad-suggidda Qaranka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa dhankooda qarka u saaran in ay la wareegaan degaanno hor leh.

Dhanka kale, ciidamo Jimcihii ka dhaqaaqay magaalada Dhuusamareeb oo qayb ka mid markii hore diyaarado looga qaaday Muqdisho ayaa saacado ka hor la wareegay degaanka Ceel-lahelay iyo degaanno kale oo dhinaca bari ka xiga xarunta maamulka Galmudug.

Ceel-lahelay wuxuu dhacaa inta u dhaxeysa degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, ciidanka saaka gaaray ayaana ku wajahan degaanka Ceel-garas halkaasoo in ka badan 10 sano ay ka arriminayeen Kooxda Al-Shabaab oo hadda wajahaysa kacdoon xooggan.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Hiiraan oo kaashanaya dadka degaanka ayaa saakay Al-Shabaab kala wareegay degaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah degaannada muhiimka u ahaa Al-Shabaab ee ay muddada ka talinayeen.

Ciidanka ku sugan gobolka Hiiraan waxa ay sidoo kale saaka gacanta ku dhigeen Tuulada Tardo oo qiyaastii 15 kiiloo-mitir u jirta Tuulada Ceel-dheer ee Gobolka Shabeelada dhexe, isla-markaana dhinaca xarunta Degmada Aadan -yabaal u jirta 40 kiiloo-mitir.

Geesta kale, Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howl-gala degaanno ka tirsan gobolka Baay ayaa dhankooda la wareegay tuulooyinka kala ah;  Baayale, Caliyow-dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame, Karanoy iyo Daawuudow kuwaas oo Al-Shabaab muddo ka arriminayeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.