Degaanno hor leh oo laga saaray Kooxda Al-Shabaab

Shalay ayay ahayd markii Ciidanka degaanka oo garab ka helayay Ciidanka Dowladda iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ay dagaal saacado badan qaatay kula wareegay gacan ku heynta degaanka Ceel-hareeri oo wax ka yar 20Km u jira Aadan Yabaal.

Warar Keydmedia Online
Degaanno hor leh oo laga saaray Kooxda Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya – Howl-gal ay hoggaaminayeen Xildhibaan Cismaan Xaadoole iyo Xildhibaan Yuusuf Kabaale ayay Ciidamadda XDS kula wareegeen degaanada kala ah; Cadcadeey, Cadaan-laxeey, Nuur-dugle, Maxaad-siciid, Ceelka Maraweyne iyo kuwa kale.

Degaannadaan oo dhaca gobolka Shabeellaha dhexe, gaar ahaan inta u dhaxeeysa degmada Aadan-Yabaal iyo degaanka Masaajid Cali gaduud ayay saaka dagaallamayaasha Al-Shabaab isga baxeen dagaal la’aan, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Dowladda.

Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in Ciidamadu ay wax ka yar 10 Kiiloomitir u jiraan degmada Aadan Yabaal, isagoo xusay in qorshaha xiga uu yahay Aadan Yabaal oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ku leeyihiin Shabeellaha dhexe.

“15 sano ayay dadkaan dulleysanyeen, waa ka dul-qaadnay, intaan kuma sinnaan doono, mar dhow guud ahaan gobolka Shabeellaha dhexe iyo gobollada la dariska ah ayaan isku fara saari doonnaa Al-Shabaab”. Ayuu yiri Xildhibaan  Cismaan Xaadoole.

Shalay ayay ahayd markii Ciidanka degaanka oo garab ka helayay Ciidanka Dowladda iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ay dagaal saacado badan qaatay kula wareegay gacan ku heynta degaanka Ceel-hareeri oo wax ka yar 20Km u jira Aadan Yabaal.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdullahi Cali Caanood oo magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalkaas lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidamada Danab ee Dowladda Soomaaliya Major Axmed Cabdullaahi Beeryare, oo isna kula hadlayay wariyeyaasha gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in tirada Kooxda Al-Shabaab ee ay ku dileen dagaalka ay ka badan karto 200 xubnood.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.