KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Colaadda ka aloosan Waqooyiga Magaalo Madaxda Hiiraan ayaa waji cusub yeelatay kadib markii maleeshiyaadka is ka soo horjeeda, ay bilaabeen in ay dab qabadsiiyaan tuuloyinka degaanka.
BALADWEYNE, Soomaaliya - Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay dab qabadsiiyeen tuuladda Bacaad-buuko oo ku taala waqooyiga Magaalada Baladweyne, oo ay deganayeen ku dhawaad Labaatan qoys, sida ay ogaatay Keydmedia Online.
Xiisad colaadeed oo ka aloosneyd waqooyiga Baladweyne maalmihii la soo dhaafay ayaa sababtay in la gubo, tuulooyin ay ka mid tahay Bacaad-buuko, kuwaas oo ay hore uga barakaceen qoysaskii deganaa, hayeeshee ay gaartay burbur hantiyeed.
Maleeshiyaadkii gubay Tuulada iyo kuwo kale oo hubeysan ayaa saakay isku hor fadhiya Bacaad-buuko, waxaana mar kasta la filan karaa in dagaal ka qarxo degaanka.
Ciidamada Dowladda Fadaraalka, ayaa habeenkii 10 ku sugan degaanka loo yaqaan Baladu-nuur, oo ah halkii dagaalka koowaad ka dhacay, aydoo halka ay hadda xaalada kasoo cusuboonaatay ay 20-KM u jirto Magaalada Baladweyne kana yar fogtahay halkii Ciidanka Dowladda ay joogeen.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa u diray ciidamo kala dhex galaya labada Maleeshiyaad, waxaana socdo dalaallo hor leh oo lagu damniyo colaadahaas.
Dagaalladan ayaa ka curtay dhul-beereed, murankiisu muddo soo taagnaa, kaas oo ay xal u waayeen odayaasha degaanka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.