Xijaar oo weerar ku qaaday Xarunta Baarlamaanka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Xijaar, ayaa ku duulay Villa Hargeysa, si uu u hor istaago howlaha Guddiga diyaarinaya doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, saacdo kadib, markii uu weeraray Guddoomiye Dhabancad.

Warar Keydmedia Online
Xijaar oo weerar ku qaaday Xarunta Baarlamaanka

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in Taliyaha ciidanka Booliska, Cabdi Xasan Xijaar iyo askar ka socota Madaxtooyada Soomaaliya, ay weerar ku qaadeen xarunta Golaha Shacabka Villa Hargeysa.

Xildhibaan Cabdirisaaq, ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray, in shaqaalaha iyo Guddiyada Golaha ee ku howllanaa doorashada, lagu wargaliyay in ay isaga tagaan xarunta, isagoo tallaabadaas ku macneeyay mid lagu carqaladeynayo dhameystirka doorashada laguna hor istaagayo in Aqalka hoose yeesho Guddoon rasmi ah.

“Ujeedka ayaa ah in dib loo dhigo ama la joojiyo doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeennada Golaha shacabka, lana cabsi geliyo shaqaalaha si ay ugu dhaga nug-laadaan rabitaannada Madaxtooyada Soomaaliya”, ayuu yiri, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka hoose, Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wuxuu xusay in Guddiga u xil-saaran howlaha doorashada uu soo gabagabeeyay howlahooda ku aaddan doorashada berri, kaliya tallaabada dhimanna tahay in berri waqti hore loo dareero doorashada Guddoonka Golaha, si looga dhabeeyo rajada soo af-meeridda howlaha doorashada baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Taliyaha Booliska, wuxuu shalay hor istaagay howlaha Guddoonka Golaha iyo dhaarinta Xildhibaanno wata aqoonsiyada Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, wuxuuna ciidan dul dhigay teendhada Afisyooni, maantana wuxuu weerar ku qaaday Xaruntii Baarlamaanka si uu u handado Howl-wadeennada Golaha.

Xijaar, oo muddo isku qarinayay daaha gadaashiisa ugu danbeyn, wuxuu bannaanka keenay in uusan u taagneyn ka shaqeynta amni dal iyo doorasho, isla-maraakana uu si cad ugu bareeyay u adeegidda Farmaajo iyo in aan caasimadda Muqdisho lagu qaban doorashada Guddoonka Aqalka hoose oo berri loo ballansan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaariinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta la filayaa inuu dib ugu soo laabto dalka, kadib markii safar shaqo oo hal maalin ah uu ku tagay, dalka Switzerland, waxaana la ogayn tallaabada uu ka qaadi doono taliyayaasha uu ugu horreeyo Xijaar ee 20-kii saac ee la soo dhaafay fowdada waday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.