Degmada Shibis oo loo magacaabay guddomiye cusub

Cali Axmed Cabulle oo saxafi hore ahaa ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Shibis ee gobolka Banaadir. 

Warar Keydmedia Online
Degmada Shibis oo loo magacaabay guddomiye cusub

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa Cali Axmed Cabulle 'Cali Soomaali' loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Shibis.

Cali Soomaali oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa horey uga shaqeyn jiray warbaahinta Muqdisho gaar ahaan Idaacadda Shabeelle.

Bishii April ee sanadkaan ayaa xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Shibis kadib markii lagu helay falal musuq Maasuq la xiriiro.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.