Degmada Dharkeenleey oo Madaafiic lagu garaacay

Muqdisho (Keydmedia) - Saakay ayaa Xaafada Kax-Shiiqaal ee duuleedka Degmada Dharkeenleey Amisom Madaafiic ku garaacday.
Warar Keydmedia Online

Duqeynta oo bilaabatay saakay abaaro 6:00 ayaanan la ogeyn waxa sababay, waxaase la xaqiijiyey in ay la beegsadeen ciidamada AMISOM.

Kaxda ayaa waxaa shalay dagaal kasoo qaaday Al Shabaab oo inta badan kasoo galo marka ay soo weerarayaan fariisimaha ciidamada dowlada ay ku leeyihiin xaafada Xoosh.

Sadex ruux oo dhamaantood dumar ahaa ayaa ku dhaawacmay waxaana ku jirtay haweeneey xaamilo aheyd sida sheegay Maxamed Ismaacil oo ka mid ah dadka deegaanka.

“Madaafiicda waxa saakay lagu garaacay saakay waabarigi Kaxda, iyadoo ay jirto wal walki dagaalki shalay ayaa nala garaacay waxaa ku dhaawacmay sadex dumar ah oo midi ay xaamilo aheyd,” ayuu yiri Maxamed Ismaaciil.

Deegaanka Kaxda ayaa ka mid ah deegaanada loo barakacay, waxaana uu ku dhawaad 8-km u jiraa dhanka Koonfur Galbeed degmada Dharkeenleey.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.