Deni iyo Axmed Madoobe oo caqabad ku noqday horumarka Soomaaliya

Labada hogaamiye ayaa sameystay gaashaanbuur Daarood, iyagoo isku bahaystay inay wax kasta oo ay ka waayaan dantooda gaar ah ay kasoo horjeestaan, sida doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Deni iyo Axmed Madoobe oo caqabad ku noqday horumarka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir Caalami ah oo la qorsheeyay inuu ka dhaco Isniinta soo socota ee berri ayaa jadwalkiisa loo bedelay Axmed Madoobe dartiisa, kadib markii isaga iyo Deni ay diideen inay yimaadaan Muqdisho.

Shirka Somali Partnership Forum [shrikii iskaahsiga beesha caalamka iyo Soomaaliya], ayaa loo bedalay ZOOM, si loo helo ka qeybgalka Axmed Madoobe iyo Deni, waxaana diidmadooda ay niyad-jebisay dadkii soo qaban qaabiyay kulanka ee Beesha Caalamka.

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabta, ayaa waxaa looga hadlaa gargaarka bani’aadminnimo, horumarinta dhaqaalaha iyo arrrimaha amniga dalka Soomaaliya, iyadoo ay kasoo qeybgalaan madaxda dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Sababta Axmed Madoobe u diiday ayaa ah in isaga iyo Farmaajo uu ka dhaxeeyo Khilaaf siyaasadeed xooggan, oo ku qotoma doorashooyinka kadib markii Villa Somalia ay diiday inay Ciidanka Gedo kasoo saarto kuna wareejiso maamulka doorashadda lagu qabanayo Garbahaarey.

Soomaaliya waxaa rajo la'aan ka dhigay Farmaajo iyo Axmed Madoobe, oo mustaqbalkii dalka u lug xiran, maadaama Khilaafkooda uu soo jiitamayay tan iyo 2017, iyadoo inta badan waqtigii dowladda ku dhamaadey arrimaha Jubbaland.

Shacabka Soomaaliyeed intiisa badan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hab-dhaqanka Madaxda Puntland iyo Jubbaland, waxayna ku baaqeen in meel looga soo wada jeesto dhagartooda iyo hagardaamooyinka ay ku hayaan masiirka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.