Deni iyo Qoor Qoor oo dhex-dhexaadinaya Farmaajo iyo Axmed Madoobe

Labada hogaamiye ayaa qaadanaya doorkii laga rabey Ra'iisul Wasaare Rooble, oo Muqdisho xitaa kula kulmi waayay Musharixiinta Mucaaradka ee diidan doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Deni iyo Qoor Qoor oo dhex-dhexaadinaya Farmaajo iyo Axmed Madoobe

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo dhigiisa Puntland Saciid Deni ayaa billaabey si wadajir ah u dhex dhexaadiyaan Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo xiriirkooda gaarey meeshii ugu xumayd.

Keydmedia Online ayaa heshay Macluumaad hoose oo sheegaya in Qoor Qoor uu kusii jeedo maalmaha soo socda magaaladda Garowe, oo Deni kula kulmi doono, iyadoo wararka ay intaasi ku darayaan in Axmed Madoobe ku biiri doono.

Deni ayaa khudbadii uu ka jeediyay Shirkii shalay ee Somalia Partnership Forum ka sheegay in loo baahan yahay kulan deg deg ah inay madaxda DF iyo Maamullada isaga yimaadaan khilaafaadka ka taagan doorashadda.

Farmaajo ayaan la ogeyn inuu aqbali doono in Ciidanka DF kasoo saaro Gedo, taasoo ah shuruudo ugu wayn Axmed Madoobe oo sheegay in aan doorasho lagu qaban doonin Jubbaland inta gobolka uu gacantiisa ka maqan yahay.

Sidoo kale, Farmaajo lama hubo inuu maamulka doorashadda Xildhibaanada ee lagu qabanayo Garbahaarey ku wareejin doono Axmed Madoobe, waana arrimaha ugu culus ee looga fadhiya Deni yoo Qoor Qoor inay xaliyaan.

Arinta Musharixiinta iyaduna waa budo gaar u tuman, oo xalkeeda muuqan, iyadoo Villa Somalia fulinayso qorshaheeda doorashadda, oo gudiyadda lagu muransan yahay ay howshooda qabsanayaan, iyagoo dhawaan soo saaraya jawdalka doorashadda Aqalka Sare.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.