Deni oo Nairobi kula kulmay Saraakiil katirsan Sirdoonka UAE

Deni ayaa lagu eedeeyay inay caqabad u noqdey Maamulka Farmaajo, islamarkaana kahor istaageen hirgelinta nidaamka Federaalka, dib u eegista dastuurka iyo diyaarinta doorasho qof iyo cod ah.

Warar Keydmedia Online
Deni oo Nairobi kula kulmay Saraakiil katirsan Sirdoonka UAE

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ku sugan tan iyo Khamiistii Nairobi, isagoo halkaasi u tagey inuu kula kulmay diblomaasiyiin, Siyaasiyiin isku beel yihiin musharixiin, oo damac uga jiro in ay Soomaaliya Madaxweyne ka noqdaan.

Wararka Keydmedia Online ka helayso illo ku sugan Nairobi ayaa sheegay in Deni uu la kulmay Saraakiil ka socda Sirdoonka Imaaraadka [UAE], kuwaasoo ugu yeeray Kenya, iyadoo xogaha soo baxaya ay sheegayaan in arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ay qeyb ka ahaayeen arrimaha ay kawada hadleen.

Imaaraadka oo Fahad Yaasiin kasoo eryay Muqdisho markii Farmaajo xukun la wareegay ayaa doonaya inuu maal-geliyo Musharixiin u tarmaya doorashadda, waxaana arintaas kala shaqeynaya Madaxweyne Deni, oo xiriir dhaw kala dhaxeeya.

Deni kahor inta uusan Madaxweynaha Puntland noqon 2019, wuxuu deganaa Dubai oo ganacsi uu ku leeyahay, isagoo xiriir la sameystay dawladda Imaaraadka oo aad u daneynaysa dekadaha Soomaaliya.

Shirkadda DP World ayaa maamusha dekadda Boosaaso, iyadoo Imaaraadka uu ka fuliyay Puntland mashaariic horumarineed oo aad u ballaaran, waxaana uu u dhisay maamulka Ciidanka badda ee loo yaqaano Puntland Maritime Police Force [PMPF]. 

Sheekh Shariif oo ku sugan Imaaraadka ayaa kamid ah shaqsiyaadka liiska ugu jiro Imaaraadka inay ku taageeraan dhaqaale ay doorashadda ku galaan, iyadoo Puntland iyo Jubbaland ka ka caawin doonaan in Xildhibaanada degaanadooda ka imaanaya ay codadka siiyaan.

Doorashadda Soomaaliya waxaan shaki ku jiran inay go'aamiyaan dalal shisheeye, waxaana loolanka ugu adag u dhaxeeyaa Imaaraadka iyo Qatar oo dagaal u dhaxeeya tan iyo markii xiisadda Khaliijka billaabatay 2017. [Halkan ka akhri warbixin]

Mudadii afarta sano ee Farmaajo waxaa dalka ku gacan sareeyay Qatar, oo uga adkaadey Imaaraadka iyo Sacuudiga oo mudo dheer galaan-gal siyaasadeed ku lahaa Soomaaliya, iyagoo ka fulin jiray mashaariic kala duwan iyo howlo la xiriira samafalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.