Deni oo safar qarsoodi ah ku tagey Imaaraadka

Shirkadda DP World ayaa mudo 30 sano ah loo saxiixay inay maamusho dekadda Boosaaso, oo ah isha dhaqaalaha ugu wayn ee maamulka Puntland.

Warar Keydmedia Online
Deni oo safar qarsoodi ah ku tagey Imaaraadka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku sugan dalka Imaaraadka, halkaasoo uu ku tagey safar qarsoodi ah oo aan horey loo sii shaacin.

Magaaladda Abu Dhabi ayuu Deni kula leeyahay Wadahadallo albaabada u xiran, oo Madaxda dawladda Imaaraadka la leeyahay, iyadoo arrimaha uu Madaxweynaha Puntland u tagey dalkaasi ay kamid yihiin heshiiska DP World ee dekadda Boosaaso iyo doorashooyinka Soomaaliya.

Deni ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaaladda Nairobi, oo sida ay maalmo kahor Keydmedia Online soo qortay uu kulamo kula qaatey Saraakiil katirsan Sirdoonka Imaaraadka kahor inta uusan u ambabixin Abu Dhabi.

Imaaraadka ayaa dedaal ugu jira inuu soo ceshto saameyntii uu ku lahaa siyaasadda Soomaaliya, oo kala wareegtay Qatar markii la doortay Farmaajo, oo dhaqaalihii uu ku galay doorashadda ay ka bixisay, iyadoo u marisay Fahad Yaasiin.

Puntland ayaa 2016 heshiis 30 sano ah la gashay DP World oo lagu wareejiyay dekadda Boosaaso, oo lagula heshiiyay inay ballaarin iyo casriyeyn ku sameyso, iyadoo saami badan laga siiyay dakhliga soo xaroodda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.