Deni oo xaalka ku xun yahay iyo Puntland oo dagaal laga baqayo

Labo Kursi oo ay leedahay Beesha Cumar Maxamuud, ee degta gobolka Mudug ayuu Deni doonayaa inuu boobo, oo ku darsado liiska Xildhibaanada uu codkooda ku tashanayo, Maadaama uu yahay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Deni oo xaalka ku xun yahay iyo Puntland oo dagaal laga baqayo

GAROWE, Soomaaliya - Dagaal ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhaco Puntland, kaasoo salka ku haya muran ka dhashay kuraas kamid ah Gollaha Shacabka oo Madaxweyne Deni uu boobayo.

Wararka Keydmedia Online heshay ayaa sheegay in Deni ay ku dhegan yihiin Isimida Beesha Cumar Maxamuud, ee degta gobolka Mudug, taasoo leh labo kursi oo kala ah Hop198 iyo Hop199.

Deni ayaa la sheegay in labadan kursi oo boobey, isagoo doonaya inuu u xiro shaqsiyaad uu wato, waxaana qorshihiisa ka horyimid Odayaasha Beesha, oo ka digay dagaal ka dhasha doorashadda.

Xogta KON ayaa sheegaysa in Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur [Sanyare] loo xiray kursiga Hop199 kaas oo kamid ah shaqsiyaadka daacadda u ah Madaxweyne Deni.

Sidoo kale, kursiga Hop199 waxaa isna loo xiray Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf Cali, waxaana Maanta ay qaateen shahaadooyinka.

Labada kursi waxay kamid yihiin lix kursi oo Berri lagu dooran doono Garowe, iyadoo magaaladda laga dareemayo xiisad kadib markii Ciidamo ka yimid Gaalkacyo ay soo gaareen.

Deni ayaa doonaya inuu boobo, oo ku darsado Xildhibaanada uu codkooda ku tashanayo, Maadaama uu yahay Musharax Madaxweyne, oo jeebka ugu jiraan 37 Kursi oo Puntland laga soo doortay.

Doorashadda Soomaaliya waxay noqotay magacaabis, oo Madaxda Maamulada cidii ay rabeen soo saarayeen, iyadoo uu ka dhacay musuq-maasuq aad horey loo arag, waxaana loolan loogu jiraa xilka Madaxweynaha, oo Farmaajo kamid yahay Musharixiinta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.