QM oo bogaadisay hanaanka deyn-cafinta Soomaaliya

Soomaaliya ayaa dibadda looga leeyahay lacag lagu qiyaasay $4.6 illaa 5 billion oo dollar, lacagtaas oo qaateen dawladihii hore ee dalka, oo ugu badnaa nidaamkii kaligii-taliska Siyaad Barre.

Warar Keydmedia Online
QM oo bogaadisay hanaanka deyn-cafinta Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga gaarka ee UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo sii hayaha Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa shalay kawada hadlay arrimo ku saabsan dhaqaalaha dalka, gaar ahaan deyn-cafinta.

"Wakiilka UN-ka James Swan iyo ku xigeenkiisa Adam Abdelmoula waxay la kulmeen Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beyle, oo ah kawada hadleen arrimo badan, oo ay kamid tahay dib u habeynta dhaqaalaha iyo deyn-cafinta," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UNSOM.

UNSOM - Xafiiska Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ku dhawdahay heerkii ugu dambeeyay ee hanaanka deyn-cafinta [Completion Point], taasoo ah tallaabo taariikhi ah oo dhanka horumarka dalka loo qaadey.

Soomaaliya ayaa dibadda looga leeyahay $4.6 illaa 5 billion oo dollar, lacagtaas oo qaateen dawladihii hore ee dalka, oo ugu badnaa nidaamkii kaligii-taliska Siyaad Barre.

Dawladda Mareykanka oo kaliya waxay ku leedahay dalka $1 billion, waxayna Safaaradeeda Muqdisho dhawaan shaacisay inay heshiis deyn-cafin inay la gashay dawladda Soomaaliya, kaasoo uu saxiixay Beyle, iyadoo RW Rooble goobjoog ka ahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.