DF oo amar duldhigtay Muwaadiniinta Kenya ee usoo safraya Soomaaliya

Go'aankan ayaa kusoo beegmaya xili xiisadda diblomaasiysadeed ee u dhaxaysa labada dal ay cirka isku shareertay dhawaan kadib eryidii Safiirka Kenya ee Muqdisho Lucas Tumbo.

Warar Keydmedia Online
DF oo amar duldhigtay Muwaadiniinta Kenya ee usoo safraya Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo Maanta soo saartey ku shaacisay in dadka ku safraya Baasaboorka Kenya looga baahan yahay inay Fiisaha kasoo qaataan Safaaradaha dalka uu ku leeyahay dibadda.

Muwaadiniinta wata Baasaboorka diblomaasiga ahna waxaa la faray inay ogolaansho ka helaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda kahor inta aysan usoo safrin Soomaaliya. Amarkan ayaa wuxuu dhaqan galayaa laga billaabo 13-ka bishan.

Sababta ayaa lagu sheegay xaqiijinta amniga iyo xakameynta COVID-19.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.