DF oo dib u soo celineysa dhallinyaro ku xirnaa Liibiya

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xiran dalalka Afrika iyo kuwa Aasiya, Dowladda Soomaaliya ayaana dadaal xooggan galisay sanadihii la soo dhaafay, sidii muwaadiniintaas dib loogu soo celin lahaa dalkoda.

Warar Keydmedia Online
DF oo dib u soo celineysa dhallinyaro ku xirnaa Liibiya

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay berri oo ku beegan 27 September 2022 dalka dib ugu soo celiso ku dhawaad 10 dhallinyaro ah oo muddo ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalka Liibiya.

Sida uu sheegay Xoghayaha 1-aad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuub Xaashi, Dowladda Federaalka ayaa ku guuleysatay in ay dhallinyaraadan muddada dhibaataysnaa ay ka soo bixiso gacanta Kooxaha loo yaqaano Magafayaasha.

Ayuub Xaashi wuxuu sheegay in dhallinyaradaan ay berri soo gaari doonaan dalkooda, lagana dajin doono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii safaaraddu buuxisay dhammaan waxyaabihii loo baahnaa.

“Dhallinyaradaan oo qaarkood Maxaabiis ahaan ay u heysteen Kooxaha Burcadda ee loo yaqaano Magafayaasha ayaa Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in dib loogu soo celiyo dalkooda”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Dowladda Federaalka.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xiran dalalka Afrika iyo kuwa Aasiya, Dowladda Soomaaliya ayaana dadaal xooggan galisay sanadihii la soo dhaafay, sidii muwaadiniintaas dib loogu soo celin lahaa dalkoda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.