DF oo ka hadashay go’aankii Puntland ee shirka wada-tashiga

Dowladda uu muddo xileedkeedii sharciga ahaa dhaamaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa ka hadashay warka ka soo cusboonaaday goobta uu ka dhacayo shirka wada-tashiga.

Warar Keydmedia Online
DF oo ka hadashay go’aankii Puntland ee shirka wada-tashiga

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa ka hadlay go’aankii maamulka Puntland ee ku aaddana shirkii uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo sheegay inuu 15 Febaraayo uu ka dhacayo Garowe.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa is ka riixay in Garowe marti galineyso shirka wada-tashiga, iyagoo ku andacooday in aan laga tashan go’aanka ka soo baxay Farmaajo, isla markaana uu dhamaaday waqtigii sharciga ahaa ee xil heynta hay’adaha dowladda.

Cismaan Dubbe oo warbaahinta ka soo muqday ayaa sheegay in ay soo baxayaaan warar yasan  fileyn oo ku aaddan in la badllo magaalada uu shirku ka dhacayo, hayeeshee Madaxda Dowladda ayuu sheegay in ay ka go’antahay in isku imaatku ka dhaco Garowe.

Wasiirka Warfaafinta oo u muuqaday inuu masuuliyadda fashilka qabashada doorashada ka wareejinayo Maamulka Farmaajo ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada ku eedeeyay in ay ka cag-jiidayaan qabashada shirka, wuxuuna dusha ka saaray dib u dhaca ku yimid doorasho xilligeedi ku dhacda.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare aya isku raacay soona jeediyay in shirka wada-tashigu uu ka dhaco Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.