DF oo ka hadashay Qaraxyo ka dhacay Yeman

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxyo ka dhacay dalka Yeman, iyadoo aan xoog iyo xal toona u helin Qaraxyada ka dhaca gudaha dalkeeda oo si is-daba-joog ah udhaca!

Warar Keydmedia Online
DF oo ka hadashay Qaraxyo ka dhacay Yeman

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dowladda Soomaaliya ayaa war qoraala kasoo saartay qaraxyo lala beegsaday Gagida diyaaradaha ee magaalada Cadan ee waddanka Yeman kaasoo dad badani ay ku dhinteen.

Weerarka ayaa dhacay Arbacadii aanu kasoo gudubnay 30 december, waxaana lagu laayay dad rayid ah oo halkaa ku sugnaa.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ayaa sidan lagu yiri "Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay xaqiijinaysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay garab taagantahay Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Yemen, waxa ayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehellada dhibanayaasha, iyadoo caafimaad-qab degdeg ah u rajaysay kuwa ku dhaawacmay weerarka" 

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa ka dhacay deeganada Galmudug iyo Puntland qaraxyo ay geesteen Kooxda Al-Shabaab kaasoo lagu xasuuqay Saraakiil ciidan iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan, dowladda Soomaaliyana kama aysan hadlin, marka laga reebo RW Rooble oo qaraxa lala damacsanaa oo ka qeyb galay Aas-aaska.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.