DF oo ku hanjabtay in ay kabixi doonto IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Warsaxaafadeed Faafin deg deg ah, taasoo ay ku sheegtay in ay ka bixi doonto ugur goboleedka IGAD.

Warar Keydmedia Online
DF oo ku hanjabtay in ay kabixi doonto IGAD

MUQDISHO, Soomaaliya - Kaddib warbixintii Urur goboleekda IGAD ay ka soo saartay is haysadkii udhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya waxay Dowladda Soomaaliya soo saartay warsaxaafadeed faafin deg deg ah kasoo ay dowladda Soomaaliya ku hanjabtay inay ka bixi doonto ururka IGAD hadii aan laga laaban warbixinta.

Wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya oo horay uga hadlay ayaa ku eedeeyay in dowladda Jabuuti ay la safatay dowladda Kenya, waxa uuna eed kulul dusha uga tuuray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa soo saartay faafin degdeg ah taasoo ay ku hanjabtay in ay ka bixi doonto urur goboleedka IGAD ee fadhigiisu yahay magaalada Jabuuti ee waddanka Jabuuti, waxaana lagu yiri haddii aan laga laaban warbixintaas laga soo saaray xaalada Kenya iyo Somalia Isla markaana aan laga bixin raali-gelin dowladda Soomaaliya kama sii mid ahaan doonto urur goboleedka IGAD.

Halkan hoose ka akhriso warbixinta ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.