DFS oo 40 xubnood Al-Shabaab uga dishay Mahaday

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay in ka badan 600 oo ka tirsan Al-shabaab tan iyo markii uu billowday dagaalka bishii Ogoosto ee sannadkan, iyagoo la wareegay 100 tuulo oo intooda badan ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
DFS oo 40 xubnood Al-Shabaab uga dishay Mahaday

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda ayaa weli sii wada guulaha ay ka gaarayaan dagaallada ay kula jiraan Kooxda Al-shabaab, iyagoo saddexdii bilood ee lasoo dhaafay kala wareegay degaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe oo xuduud la leh caasimadda ayaa lagu dilay 40 ka tirsan dagaallamayaasha Al-Shabaab, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta maanta oo Khamiista.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Dowladda howlgalkaan oo ahaa mid qorshaysan oo Ciidanka XDS, Ciidanka Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ay iska kaashadeen ayaa ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo ku dhow degmada Mahadaay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay in ka badan 600 oo ka tirsan Al-shabaab tan iyo markii uu billowday dagaalka bishii Ogoosto ee sannadkan, iyagoo la wareegay 100 tuulo oo intooda badan ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Warka Dowladda ka soo baxay ee la xariira howlgalka ka dhacay Cali Fooldheere ayaa u qornaa sidan;

Ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubnahaan Khawaarijta ah xili ay isku abaabulayeen dhulka keymaha ah ee ku yaala deegaankaan.

Howlgalkaan ayaa qayb ka ah qorshaha Khawaarijta looga ciribtirayo dalka oo dhan isla markaana lagu joojinayo dhaqdhaqaaq kasta oo ay isaga gudbi karaan meelaha ay haraadiga ku yihiin wali.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed oo  qayb ka ah dagaalka Khawaarijta iyo saaxiibada caalamiga ah oo ku garab taagan dowladda dagaalkaan.

Dowladdu waxay mar kale ugu baaqaysaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen Khawaarijtu inay isa soo dhiibaan, iyadoo dowladdu ay gacan furan ku soo dhowaysay dhalinyaradii ka soo baxay Khawaarijta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.