KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo booqday Isbitaalada la geeyay dadkii ku dhaawacmey qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in Dowladdu dadka daran u qaadi doonto dibadda.
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidii ay adeeg caafimaad oo banaanka ah ku heli lahaayeen dadka shalay ku dhaawacmay weerarkii Muqdisho ee aan xaalladdooda caafimaad dalka waxaba looga qqabn karin.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo booqdey Isbitaalada la geeyey dadkii ku dhaawacmey qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho, ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka shaqeyneyso sidii dadka daran dibadda loogu qaadi lahaa.
Wasiirka oo Maamulka Isbitaallada Digfeer iyo Madiina ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada ayaa sheegay inuu Maamulka Isbitaalada gaarka loo leeyahayna uu qadka Telfoonka kula xiriirey si uu uga xog wareysto xaaladda dhawacyada ay hayaan.
“Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalada uu Wasiirku tagey ayaa rajo fiican ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada, inkastoo ay jiraan kiisas culus oo u baahan edeeg caafimaad oo dibadda ah”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Caafimaaadka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhaawacyada ka dhashay qaraxa ay ku dhowyihiin 300 oo qofood, taasoo oo ka dhigan in qasaaraha dhaawac uusan ka yaraan doonin dhaawacyada qarixii Soobbe ee shan sano ka hor.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.