Dhacdooyin cusub oo laga bartay doorashadii Madaxweynaha

Labaatan musharrax oo ka qeyb qaatay tartanka Madaxweynaha ayaan helin wax cod ah, taasoo muujineysa in loollanku sidii hore loo saadaalinayayba uu u dhaxeeyay ugu badnaan Siddeed musharrax, u jeedka musharrixiinta kalana uu ahaa, dano siyaasadeed.

Warar Keydmedia Online
Dhacdooyin cusub oo laga bartay doorashadii Madaxweynaha

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loo doorto taariikhda Soomaaliya, tan iyo ka kifaaxiddii gumeystihii Talyaaniga ama curashadii dowladnimada Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay sooyaalka ee Saddex Madaxweyne oo xilka isku banneysay ku tartamaan kursiga ugu sarreeya dalka, baratankii xalay ee Xasan Sheekh, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu ahaa mid ku cusub siyaasadda dalka.

Siyaasiyiin la saadaalinayay in ay ka gudbi doonaan wareegga 1-aad, ayaa hore u socon waayay, sida; Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxaana jira duruufo siyaasadeed oo saacadihii danbe ay maareyn waayeen.

Labaatan musharrax oo ka qeyb qaatay tartanka Madaxweynaha ayaan helin wax cod ah, taasoo muujineysa in loollanku sidii hore loo saadaalinayayba uu u dhaxeeyay ugu badnaan Siddeed musharrax, u jeedka musharrixiinta kalana uu ahaa, dano siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, ayaa wacdaro lama filaan ah ka dhigay wareegyadii 1-aad iyo 2-aad ee tartanka, halka uu wareeggii saddexaad qeyb ka noqday xulafadii Madaxweyne Xasan Sheekh ee washamsiga ku qaadday Musharrax Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare, ka hor inta aan la caleema saarin, waxayna xogo hordhac ah sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee dalka uu sanadkaan ka imaan doono dhanka Puntaland.

Kala wareeg xooggan oo siyaasadeed ayaa durba billowday, waxaana sida muuqata bilaha soo socda laga nasan doonaan xasaradihii siyaasadeed ee kala aragti duwanaanta xooggan sababtay, inkastoo xasilloonidu ku xirnaan doonto sida nidaamku u maareeyo caqabadaha.

KEYDMEDIA ONLINE    

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.