Dhacdooyin la hadal-hayo oo ka dhacay Garoonka Muqdisho

Labo dhacdo ayaa tan iyo shalay laga diiwaan-geliyay Garoonka, oo Madax safraysay loo diiday inay diyaarada ka raacaan.

Warar Keydmedia Online
Dhacdooyin la hadal-hayo oo ka dhacay Garoonka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Nidaamka kaligii-taliska Farmaajo ayaa ficillo ugub ah lasoo baxay, iyadoo dadkii difaaci jiray uu kusoo jeestay daqiiqadihii ugu dambeeyay xukunka dalka.

Cabdweli Muudey, oo ah gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaankii 10aad ayaa Shalay loo diiday inuu raaco diyaarad u jeeday Baraawe, halkaasoo ugu tartami lahaa kursiga BFS.

Muudey ayaa ahaa shaqsi uu adeegsan jiray Farmaajo, oo hormuudka u ahaa xilka-qaadistii Jawaari iyo Khayre, waxaana Maanta dhibane u noqdey isla nidaamkuu difaaci jiray 4 sano.

Maanta waxaa sidii Muudey looga celiyay inuu Garoonka ka safro Cali Yare, oo caan ku ah inuu baraha bulshadda ku buun-buuniyo Farmaajo, kaasoo loo diiday inuu u safro Galmudug.

Cali Yare ayaa ku magacaaban gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Banaadir, waxuuna doonayay inuu u tartamo Kursiga uu ku fadhiyo Mahad Salaad, oo mucaarad ah.

Garoonka waxaa jooga askar katirsan NISA, oo toos uga amar-qaata Fahad Yaasiin, oo u adeegsada in lagu xanibo safarada siyaasiyiinta uusan doonaynin inay Xildhibaan noqdaan.

RW Rooble ayaa afka labo far saartay, oo iska aamusey, kadib markii Farmaajo uga adkaadey dagaalka siyaasadeed, islamarkaana si dadban loogala wareegay doorashadda dalka.

Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa mar isku dayay bishii lasoo dhaafay inuu NISA ka saaro Garoonka, balse ku guul-dareystay, kadib markii uu shaqeyn waayay amarkiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.