KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
in Siyaasiyiinta Qurbojoogta ah ay ka dambeeyaan qalqal gelinta Amaanka Magaalada Muqdisho iyo Hurinta Colaada.
“Dhowr Bombo iyo labo Qarax oo laga sameeyo Magaalada Muqdisho laguma qiyaasi karo amniga Muqdisho hadii sidaasi waxa lagu qiyaasayana waxad wada ogtihiin in waxa Dalka Ciraaq ka dhaca inaysan Xamar ka dhacin marka amaanka Magaalada Muqdisho yaan laga beensheegin (...) Siyaasiyiin (Soomaaliyeed) oo maalqaba ayaa Colaada Dalka sii horinaya”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale Siyaasiyiinta waxaa uu ku eedeeyay in dhaqaalo badan ay ku bixinayaan sida Muqdisho ay usoo Holci laheyd, sidii loo lumin lahaa Amniga guud ee Caasimadda, si loo dhaho "Caasamidda Faraha ayee ka baxday".
Tarsan Asigoo Khudbad ka jeedinayay Shir Amaanka Caasimadda looga hadlayay ayaa dhaliilay Ciidamada Dowladda ee Hubka ku dhex wata Magaalada, asigoo ku tilmaamay in ay u egyihiin "Mooryaan".
Tarsan ayaa sidoo kale eedeyn ujeediyey Ciidamada Dawlada ee iyagu Hubka ka iibsada dhinaca dawlada kasoo horjeeda.
Sidoo kale, Tarsan wuxuu sheegay inuu jiro Musuq maasuq ka dhexjira Hay’adaha Amniga Dalka.
Tarsan ayaa ku taliyay in la badalo Heesta Astaanta Qaranka Soomaaliya.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.