Dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu qabtay waxyaabaha maanka dooriya

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo qeyb ka ahayd koox dhallinyaro ah oo kasoo kala jeedda waddama kala duwan kuwaasoo daroogo galinayay waddanka Sacuudi Carabiyay ayaa la qabtay

Warar Keydmedia Online
Dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu qabtay waxyaabaha maanka dooriya

RIYAAD, Sacuudi Carabiya - Afhayeen uhadlay ciiddanka ilaalada xuduudaha Sacuudi Carabiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 25 dhallinyaro oo doonayey inay si sharci darro ah waxyaabo maanka dooriyaku soo geliyaan waddanka Sacuudiga.

Hawlgalo ka dhacay magaallooyinka Najraan iyo Jizaan ee Koonfur Galbeed waddanka Sacuudiga, una dhow Xuduudka Yemen ayaa lagu soo qab-qabtay dhallinyaradaas oo doonayay in dalka ay soo galiyaan Qaad iyo Xashiish.

Dhallinyarada falkan lagu soo qabtay ayaa dhalasho ahaan kasoo kala jeeda waddamada Soomaaliya 2, Yeman 14, Sacuudiga 3, Itoobiya 4. Eedeysanayaasha ayaa lagu qabtay 802 Kiilo oo Xashiish ah iyo 25.4 Tan oo Qaad ah.

Afhayeenka u hadlay ciidamada ilaalada ayaa ku eedeeyay ee Sacuudiga ayaa tilmaamay in dhallinyaradan lasoo qabtay Jimcihii waxaana lagu wadaa in dhawaan lasoo taago maxkamad si dambiga ay galeen loogu qaado.

Inta badan waddamada ay ku nool yihiin Soomaalida waxaa aad looga isticmaalaa qaadka, iyadoo dhallinyarada halkaasi ku dhaqan ay isku dayaan in ay galiyaan waddankaasi Qaadka xitaa haddii uu sharci darro yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.