Dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka socda xafiiska Rooble

Shirka ayaa la filayaa inuu berri furmo, sida Keydmedia ay u sheegeen ilo ku dhaw Madaxtooyadda.

Warar Keydmedia Online
Dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka socda xafiiska Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ayaa ka jira Xafiiska Rooble, iyadoo kooxdiisa ay wadaan qaban-qaabada shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee doorashadda.

Madaxda Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayuu Caawa la kulmay Ra'iisul Wasaaraha, isagoo kala hadlay xaaladda dalka iyo sidii lagu soo afjari lahaa doorashadda.

Rooble ayaa wajahaya culeysyo siyaasadeed iyo cadaadis uu kala kulmayo Beesha Caalamka inuu saxo qaldadaadka doorashadda, si natiijadda u noqoto mid lawada aqbali karo.

Waxaa Caasimadda kuwada sugan dhamaan Madaxda shanta Maamul - Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, oo mid walba kan kale qorshihiisa ka duwan.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland waxay uga duwan yihiin Madaxda kale qorshaha ay wataan, oo ah inay Xildhibaanada soo saarayaan aysan cid kale u codeynin aan ka hayan Saciid Deni.

Doorashadda dadban waxay noqotay mid musuq-maasuq badan, oo madaxda Maamulada awood badan ku leeyihiin go'aanada, taasoo keentay in cid aan iyaga rabin inay kusoo baxdo.

Shirka la filayo inuu ka furmo Muqdisho ayaa looga hadlayaa daah-furnaanta doorashadda, waxuuna ku yimid qabashadiisa cadaadiska Musharixiinta iyo Beesha Caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.