KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gobalada Bay, Bakool, Gedo, Jubooyinka iyo Hiiraan ayaa si isku mid ah waxaa uga socda guluf colaadeed oo ay abaabulayaan ciidamo ka tirsan dowlada, kuwa Itoobiyaan ah iyo ciidamo beeleed doonaya qaab qabiil in ay kula wareegaan gobalada qaar.
Xaasidaha uga xooga leh ayaa waxa ay ka taagan yahay duleedka Gobalka Hiiraan waxaana tani ay ka danbeysay kadib markii kala beerka Hiiran ay soo buux dhaafiyeen Itoobiyaan dabaabada wata, iyadoona dhanka Jubooyinka iyo Gedo ay ka socodaan abaabulo dagaal oo ay xildhibaano iyo rag wasiiro hore dowlada uga noqday ay wadaan kuwaasoo doonaya beel ahaan in ay ula wareegaan halkaasi.
Is abaabulkan iyo saan saanta colaadeed ayaa ujeedeedu tahay sidii loo wiiqi lahaa awooda kooxaha dowlada ka soo horjeeda oo ku fidsan hadda guud ahaan gobalada koonfureed ee dalka isla markaana dagaala ka wada caasimada Muqdisho.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.