Dhaqaalihii Kenya Ay Ka Helijirtay Dalxiiska oo Hoos U Dhacay

Nairoobi (KON)- Ayadoo Ciidamada Kenya ay u dabaal dageen sanadguuradii ka soo wareegatay markii ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya ayaa waxaa dhanka kale saraakiisha Ciidamada amaanka ee Kenya ay sheegeen inuu hoos u dhac ballaaran uu ku yimid dhaqaalihii iyo dakhiligii Kenya ay ka heli jirtay dhanka dalxiiska.
Warar Keydmedia Online

Falal amaan darro ah oo sababay inay yaraadaan dalxiisayaashii Kenya imaan jiray ayaa mudo sanad ah ka taagna qeybo badan oo dalka Kenya ka tirsana, waxaana arrintaasi ay horseeday in dhaqaalihii Kenya uu yaraado.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in 20% uu hoos u dhacay dhaqaalihii Kenya ay ka heli jirtay dalxiisaka 8-dii bilood ee la soo dhaafay.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.