KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Shacabka ku dhaqan Guriceel, ayaa saaka ka cabsi qaba, gacan ka hadal ciidan, kadib markii ciidamo Dowladda soo dul degeen magaalada.
GURICEEL, Soomaaliya – Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in saaka Dhuusamareeb iyo Guriceel, laga dareemay dhaqdhaqaaqyo ciidan, oo ay wadaan ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowladda Federaalka oo dhinac ah iyo Koox diimeedka ASWJ, oo jimcihii na weydaartay la wareegay gacan ku heynta degmooyinka Matabaan, Guriceel iyo Ceeldheere.
Warar laga helayo Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, ayaa sheegaya in ciidamo xooggan oo lagu sheegay cutubyadii ugu horeeyay ee Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo ay wehliyaan madaxda Maamulka Guriceel ee Galmudug, ay saaka fariisimo ka sameysteen degaanno dhaca waqooyiga Gureceel.
Tallaabadas, ayaa dhalisay in dhinaca Ahlu-sunna, si weyn looga dareemo diyaar-garow ciidan, kuwaas oo ka cabsi qaba in dagaallo xooggan looga fara-maroojiyo degaannada ay dib u qabsadeen.
Shacabka ayaa dareemaya wal-wal xooggan, dad ku sugan degaanka oo la hadlay Keydmedia Online, ayaa sheegaya in xilli kasta loo toog hayo, gacan ka hadal ciidan, kaas oo in badan laga digay.
Dhamaadki bishii hore, ayay ahayd, markii dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug oo is kaashanaya iyo Ciidamo tabacsan hoggaanka Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca, oo dhawaan dib isku abaabulay uu ka dhacay degaanka Bohol, oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi ka xiga Dhuusamareeb.
Ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsan Xooga Dalka iyo booliska loo yaqaan Haramcad ayaa maalmihii lasoo dhaafay la geeyay Dhuusamareeb, waxaana dib boorka looga jafay ciidamada Qaybta 21-ad ee Xoogga, kuwaas oo fadhigoodu yahay degaannada Maamulka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.