KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Malleeshiyaadka Macwiisleey iyo dadka degaanka ayaa Al-Shabaab kula dagaalamaya gobolka Hiiraan oo mudo dhibaato go'doomin ah ku haysay.
BELEDWEYNE, Soomaaliya - War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga ay dharbaax xoog leh ku dhufteen Al-Shabaab kadib markii xalay Saqdii Dhexe ku weerareen duleedka magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qoraalka ayaa lagu xusay in illaa 35 xubin oo kamid ah Al-Shabaab in lagu dilay howlgalka oo ka dhacay degaanka Aboorey, oo 25-KM dhanka Bari uga beegan magaaladda Beledweyne, halkaasoo ka dhacay dagaal culus, oo labada dhinac ku dhexmaray Xalay.
Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay inay la wareegaan degaanka uu howlgalka ka dhacay, isagoo intaasi ku daray in nolosha lagu qabtay dagaalyahano badan.
Al-Shabaab kama aysan hadlin sheegashadda dowladda, oo kusoo aadaysa xili howlgallo ka socdaan gobolka Hiiraan, kaasoo ay iska kaashanayaan Ciidanka dowladda iyo dadka degaanka.

KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.