Dharkeynley oo lagu qabtay dhalinyaro ka tirsan Shabaab

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Maamulka degmada dharkeynley ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba dhalinyara ah oo ka tirsan Alshabaab kuwaasoo degmada ku fuliyay weerar Bambaano xalay.
Warar Keydmedia Online

Gudoomiyaha degmada Macalin C.lle ayaa sheegay in dhalinyaradaasi la qabtay kadib markii macmacaanka ay ka fuliyeen qarax bambaano oo sababay geerida laba ruux iyo dhaawaca 5 kale waxaana iminka ay ku xiran yihiin saldhiga degmada Dharkeynley.

Inta badan dhalinyaro ka tirsan Alshabaab ayaa qaraxyo qorsheysan waxa ay ka fuliyeen degmooyinka Muqdisho ee ay dowlada ka taliso kuwaasoo lagu dhibaateeyo rayid Soomaaliyeed iyo ciidamada dowlada, waxaana dowlada xiliyo hore ay sheegtay in ay wax ka qaban doonto ammaanka guud ee deegaanada ay ka taliso wallow balan qaadkaasi aanu si toos ah u hirgalin.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.