KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qaraxa ayaa waxaa ka dambeeyey ama geystay nin kusoo lebistay dharka Ciidamada Dawladda KMG ah, waxaana uu isku qarxiyey gudaha xarunta Villa-Baydhabo halkaasi oo uu isku qarxiyey markii dambe.
Xilliga qaraxa lala eeganaayey xarunta Villa-Baydhaba ayaa waxaa ka badbaaday Abaanduulaha Ciidamada Dawladda KMG ah Gen C/kariin Yuusuf Dhega Badan, Abaanduulaha ayaa xilliga qaraxu dhacaayey waxa uu ku sugnaa Villa-Baydhaba waxaana la sheegay in uu ahaa bartilmaameedka qaraxa.
Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan kaasi oo soo gaaray Ciidamadii halkaasi ku jiray ilaa iyo hadda, waxaa la sheegay in dhaawacu kor u dhaafay 15-askari.
Wararka qaar ayaa sheegaaya in ay jiraan dad ku dhintay qaraxa kuwaasi oo aan tiradooda la hayn ama lasoo koobin, sidoo kale waxaa jira bur bur soo gaaray xarunta Villa-Baydhabo.
Ciidamo katirsan kuwa Dawladda KMG ah ayaa soo gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxayna ka sameeyeen hawlgallo kala duwan iyaga oo u diiday dhamaan dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.
Ninka soo qaatay dharka Ciidamada ee saaka isku qarxiyey Villa-Baydhabo ayaa waxaa la sheegay in uu horay uga mid ahaa Ciidamada Dawladda taasina waxay keentay in aan laga shakin markii oo u gudaha usoo galo xarunta Ciidamada ee uu isku qarxiyey.
Qaraxaan ayaa ka duwanaa qaraxyadii kala duwanaa ee maal mahii lasoo dhaafay ka dhacaayey magaalada Muqdisho waxaana uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu soo qaaday nin soo xirtay dharka tuutaha ee Ciidamada Dawladda KMG ah.
Dhan kale qarax miino oo aan khasaare geysan ayaa saaka ka dhacay aga gaarka Bacadlahii hore ee degmada Xamarweyne kaasi oo ahaa miino goobta lagu aasay.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.