Dagaal ka dhacay Duleedka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay

Bardaale (KON)-Dagaal Khasaaro geestay oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helayo AMISOM & Kooxda Al shabaab ayaa Maanta oo Jimco ah ka dhacay Duleedka Degmada Bardaale.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Duleedka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay

Maxamed Isxaaq Xasan, Gudoomiyaha Degmada Bardaale oo la hadlay KON ayaa sheegay in Dagaalka Maanta uu ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Kurtun, oo qiyaastii 30 Km u jirta Degmada Bardaale, ee Gobolka Baay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dagaalka uu yimid markii Al shabaab Ciidamada DFS & AMISOM ay Weerar ku soo qaadeen Deegaanka oo ay iyagu horey u joogeen, wuxuuna tilmaamay in Khasaaro kala duwan uu halkaasi ka dhacay.

“Maanta waxaa nasoo weeraray Al shabaab, waxaana dhacay Dagaal Khasaaro geestay, iyadoo aan ku xaqiijin karo in dhankeea Hal Askari naga dhintay, halka Al shabaabna Saddex ay uga dhinteen, anaga ayaana joogna Deegaanka hadda,” ayuu yiri Gudoomiyaha Bardaale.

Ma jiro wax War ah oo dhanka Kooxda Al shabaab kasoo baxay, oo ku aadan Dagaalka ka dhacay Bardaale, balse waxa ay Dadka Deegaanka KON u sheegeen in Xaalada ay tahay mid deggan.

Keydmedia Online-Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.