KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Hoggaanka mudda xileedkiisu dhamaaday, ayaa khudbad uu xalay jeediyey, waxa uu ku daah furay kaalinta ay dhalintu kaga jiraan, nidaamkiisa keli talisnimada ku dhisan.
MUQDISHO, Soomaaliya - Marka laga soo tago been abuurka uu dadka la wadaagay, su'aasha is weydiinta mudan ayaa ah, maxey tahay waxa uu Farmaajo u qabtay dhallinyarada Soomaaliyeed, ee qasbaya mar walba inuu ku hadal qabsado?
Mudaddii uu ku fadhiyey kursiga dalka ugu sareeya, ma jirin wax shaqaalo ah oo ay qaadatay dowladda, waxaana taasi sii dheer in ay shaqooyinkooda waayeen kumanaan dhallinyaro ah, oo ka mid ahaa shaqaalaha dowladda u diwaangashanaa, kuwaa oo lagu eeddeeyey in ay ka ra'yi duwan yihiin isaga.
Shaqo la'aanta ayaa gaartay heerkii ugu darnaa, waxaana jidadka iyo goobaha la isugu yimaado, buux dhaafiyey dhallinyaro badan oo soo dhameysatay, heerarka kala duwan ee waxbarashada, kuwaa oo iminka ka rajo dhigay in ay helaan shaqo ay noloshooda ku maareeyaan.
Waxaa kordhay dhallinyarada tahriibeysa, sababo la xiriira shaqo la'aan iyo amni darro soo korortay, iyagoo door bidaya in ay magan-galyo weydiistaan dalalka reer Yurub, waxaana marinka safarkooda uu noqday Turkiga, oo ay subax walba u safraan boqolaal dhalinyaro ah, oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Dhallinyaradii shaqooyinka abuuratay, ayaa la kulmay caqabada keenay in ay joojiyaan, howlihii ay ku soo saaran jireen nolosha maalin-laha, waxaana laga xusi karaa, bajaajlayaasha, kuwaa oo dilalka lagu hayo, ay soo de-dejisay badankood in ay hakiyaan shaqooyinkii ay abuurteen, halka kuwa iminka ku shaqeeyana ay daris la yihiin cabsi iyo wal wal.
Haddii la eego dhanka dhallinyarada ciidamada ku jira, wuxuu badankood ka dhigtay, kuwa uu duleystay oo uu ku shaqeysto, isagoo ku weerara siyaasiyiinta, waxaana kuwa fuliya awaamiirtiisa sharci darrada ah, uu ku abaal mariya darajooyin, halka kuwa ka dhaga adeegana, uu ka goosto xuquuqdooda kana xayuubiyo garaadaha.
Dhallinyaro fara badan oo qortay ciidamada, ayuu u kaxeeyey 2 sano iyo bar ka hor, dalka Eriteriya, qaarkood ayaa halkaasi, ugu geeriyooday gaajo iyo xanuuno soo ritay, kuwa dhallintaas ka tirsan ayaa ku dhintay dagaallada u dhaxeeya Itoobiya iyo TPLF, inuu xaalkooda ka waramo iska daayee, xitaa uma jawaabin, waalidiintooda oo dhowr mar dibadbax dhigay.
Farmaajo iyo ragga ku xeeran, ee uu saxiibka dhaw la yahay, waa kuwa ku eeddeysan dilka gabar dhallinyaro ah, oo u shaqeynesay hay'ada sirdoonka, laguna magacaabayey Ikraan Tahliil, taas oo hooyadeed ay si toos ah u sheegtay, inuu gabadheeda qashay Farmaajo, oo sidoo kalana is hortaag ku sameeyey baaritaanka kiiska gabadhaas, ahayd ubax dalka usoo baxaya.
Wuxuu sidoo kale dhalinyarada baray, ficilo fool xun, oo ay ka mid yihiin, in ay baraha bulshada ku aflagaadeeyaan, siyaasiyiinta iyo dadka milgaha ku leh qaranimada dalka, waxaana dhallinyaradan loo bixiyey magac uu isagu baday, kaas oo ah cayayaanka baraha bulshada.
Waxyaabaha aan soo hadal qaadnay dhamaantood, waxa ay qeyb ka yihiin dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay dhalinyaradu ka dhaxashay Farmaajo, waana arrimaha soo de-dejiyey in dhalintu ay ka rajo dhigto mustaqbalka dalkooda.
KEYDMEIDA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.