Dhibaatooyinka heysta Caruurta Soomaaliyeed

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ay caruurtu ka mutaan dhibaatooyinka culus.

Warar Keydmedia Online
Dhibaatooyinka heysta Caruurta Soomaaliyeed

MUQDISHO, Soomaaliya- In muddo ah caruurta Soomaaliyeed waxa ay dhaxlayeen dhibaatooyin kala duwan, oo isugu jira waxbarasho la'aan, caafimaad darri iyo jirdil.

Xilligan caruurtu waa kuwo weli wajahaya dhibaatooyinkaas, maaddaama ay yihiin dadka ugu nugul ee ay abaaruhu saameeyeen, waxaana kordhaya kiisaska ubadka nafaqo darrida u geeriyoonaya.

Caruurta Soomaaliyeed, badankood ma heystaan waxbarasho, sababo la xiriira dhaqaalaha qoysaskooda, waana arrin caqabad ku ah aayahooda danbe.

Nolosha qoysaska oo hooseysa, ayaa caruurta qaar ku qasbaya in ay suuqyada u xoogsi tagaan, iyagoo aad u da'yar, waxeyna la kulmaan culeys adag oo kaga imaanaya bulshada inteeda kale.

Kala taga lamaanaha, ayey caruurtu ka dhaxlaan dayac, kadib markii ay waayaan garab muhiim u ah noloshooda, waxaana arrintaasi ay keentaa in ubadku ay mutaan waxyeelo aad u xooggan.

Dhawaan waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaal muujinaya haweeney Soomaaliyeed oo jirdil u geysaneysa gabar yar oo 9 jir ah.

Booliska oo haweeneyda gacanta ku soo dhigay ayaa sheegay, in haweeneyda eeddeysanaha ah, ay gabadha kula kacday tacdiyo kala duwan, iyagoo xusay in ay maxkamad la tiigsanayaan.

Gabadha 9-jirka ah jirkeeda waxaa ka muuqday nabaro ay u geysatay haweeneyda eeddeysanaha ah oo ay hore u kala tageen gabadha dhibanaha aabaheed.

Gudaha dalka wey adag tahay in ay caruurtu helaan noloshii ay u qalmeen, waxaana ku gadaaman daruufo culus, oo soo de-dejinaya in ay la kulmaan tacadiyo kala duwan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.