Dib u soo laabashada is aaminaadda siyaasadeed

Sida muuqata, tan iyo doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa abuurantay rajo iyo in dib loo dhisi karo is-aaminaaddii siyaasadeed ee meesha ka baxday shantii sano ee la soo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Dib u soo laabashada is aaminaadda siyaasadeed

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli ay kaliya Saddex maalmood ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha 10-aad, ayay durba soo if-baxday muhiimadda ay dalkan dhibaatooyinka ragaadiyeen u leedahay siyasad xasillan oo damaanad qaadeysa bad-qabka bulshada.

Tan iyo Axaddii, magaalada Muqdisho, waxaa yaraaday taagtaaggii ciidan, saxmaddii gawaarida gaashaaman, qeylo dhaantii mucaaradka iyo canaantii caalamka, waxaana furmay albaabada kalsoonida, rajada is aaminaadda iyo hor u socodka.

Tusaale; qaar ka mid ah, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, oo aan muddo labo sano ah, soo dhaafin xeyndaabka garoonka diyaaradaha, marka ay yimaadaan Caasimadda ayaa hadda gudaha u soo galay magaalada.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Madoobe], oo hore u sheegay inuu amnigiisa uga baqayo kooxda xilka ka dageysa ee Farmaajo hoggaaminayay, ayaa ku dhawaad saddex sano kadib tagay Madaxtooyada, kuna dugaameystay magaalada.

Sidoo kale, ilaalada ay madaxdu wadato, ayaa ka yar intii ay hore u qaadan jireen, hab-dhaqanka ciidanka ayaa ka duwan sidii hore, shacabka ayaana qaba rajo weyn oo ku aaddan in xasilloonida soo muuqatay sii socoto, si xaaladaha qallafsan looga baxo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan la filayaa inuu la wareego xaafiiska ugu sarreeya dalka oo uu wali ku jiro, Madaxweynihii hore Farmaajo, kaasoo kala irdheeyay dadka, shantii sano iyo dheeraadkii uu Madaxtooyada deggaanka ku ahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.