KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Iyadoo Muqdisho ay ka socdaan howlo dib loogu dayactirayo waddooyinka magaalada islamarkaana habeenkii xalay dib u dayactir laga bilaabay wadada Maka Almukarama ayaa hadana maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uulyiin ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka waxa ay si wadajir ah u shaaciyeen in shaqada dayactirka waddooyinka la qabto xilliga habeenkii si loo yareeyo mashquul iyo ciriiri ku yimaada wadada.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in dhamaan hey’adaha ay quseyso howshan ay isla garteen in wadada laga shaqeeyo xiliga habeenkii si loo yareeyo ciriiriga.
"Waad ogtahay waa wadadii halbowlaha u aheyd magaalada Muqdisho mashquul farabadan si aysan u abuurin, waxaan isla garanay dhamaan hey’adaha ay quseyso in laga shaqeeyo xilligi habeenki ah, waad u jeedaa booliiski Soomaaliyeed wasaaradi amniga Qaranka mas’uuliyiinteedi ugu sareysay ayaa nala taagan waana taagnaan doonaan habeen kasta intii shaqadani ay soconeyso’’ Ayuu yiri Afhayeenka maamulka G/Banaadir Mudane Maxamed Yuusuf
Taliyaha ciidamada nabadgelyada wadooyinka Cali Gaab ayaa ku dhawaaqay in wadada Maka Almukarama aan la isticmaalidoonin xiliga habeenki ah inta ay shaqadu ka socoto.
Wasiirudowlaha wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mahdi Maxamed Cali ayaa sheegay in howshani ay u socondoonto si habsami leh isagoo si weyn ugu mahadceliyay shacbiga Soomaaliyeed wuxuuna tilmaamay in wadadan la saaridoono laami cusub sidada wadada isku xirta Airporka Aadan Cadde iyo KM4.
Warsaxaafadeed - Gobolka Banaadir - Warbaahinta Qaranka
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.