Dibad baxyo lagu Taageerayo howl qabadka Farmaajo oo Nairobi laga qaban qaabinayo

NAIROBI (KEYDMEDIA) Salaada jimcaha kadib ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi ee caasimada Kenya lagu qabto dibad baxyo lagu muujinayo taageerada loo hayo R.wasaare Max’ed C.llaahi Farmaajo.
Warar Keydmedia Online

Abaabulka iyo qaban qaabada dibad baxyadaasi ayaa ka socda Xaafada ay soomaalida ku nooshahay ee Islii, waxaana soo qaban qaabiyay cuqaasha, aqoonyahanka iyo wax garadka ku nool halkaasi.

Dibad baxyadan ayaa ku biiray kacdoono xoogan oo shalay ka bilowday Muqdisho kuwaasoo shacabka ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan xil ka tagista R.wasaare Farmaajo.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.