DIGNIIN: Dowladda oo dalka ka mamnuucday 4 sharoobo

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka joojisay afar sharoobo oo kuwa qufaca ah kadib markii hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ka digtay lana xariirisay dhimashada 66 carruur ah oo ku noolaa galbeedka Afrika.

Warar Keydmedia Online
DIGNIIN: Dowladda oo dalka ka mamnuucday 4 sharoobo

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday afar sharoobo oo dhawaan ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO sheegatay in ay sababeen dhimashada 66 carruur ah oo u dhasay dalka Gambia.

War ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso, wasakhna ku jirto, loona isticmaali karin daweynta caruurta qaba infakshanka neefmareenka, sida ku cad digniinta Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO).

Sharoobooyinkaan la mamnuucay oo ay soo saartay shirkadda Maiden Pharmaceuticals Limited ee laga leeyahay dalka India ayaa kala ah; 1 - Promethazine Oral Solution, 2- Kofexmalin Baby Cough Syrup, 3- Makoff Baby Cough Syrup iyo 4- Magrip N Cold Syrup.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in baaritaan lagu sameeyay daawooyinkaas lagu xaqiijiyay inay ku jiraan labo maado kiimikaalis ah oo ka badan xaddigii la ogolaa taas oo keentay waxyeelo caafimaad, maadooyinkaas oo kala ah (diethylene glycol and ethylene glycol).

“Wasaaradda caafimaadka waxay ganacsatada Soomaaliyeed faraysaa inaysan keenin daawooyinkaas, haddii ay suuqa yaalaan inaan lasii iibinkarin ama la qaybin karin si bulshada badqabkeeda looga shaqeeyo”, ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.

Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay xirfadlayda caafimaadka iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee la socota khataraha caafimaad ee ka dhashay daawooyinkaas ogaysiisay inay la sii wadaagaan bulshada inteeda kale, si looga hor tago khatarta daawooyinkaas.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.